Kumaan ahay?
Asalaama calaykum,
Magacaygu waa Cabdishakuur Maxamed , waxaanan daganahay Dalka Nederlands ama Holland sida dad badan u yaqaanaan.
Waxaan kusoo barbaaray oo aan waxbarashadaydana kusoo dhamaystay dalkii hooyo. Wadanka Nederland waxaan u soo guuray ku dhawaad muddo 15 sano laga joogo, halkaas oo aan bilawgiiba iskuul u galay barashada luqada afka Dajka (Nederlands) iyadoo walibana ay ii dheerayd sidii aan ula qabsan lahaa bulshada.
Waxa aan ka midho dhaliyay waxbarashadii aan bilaabay waxaanan qaatay shahaadada heerka labaad ( Niveau 2 Diploma). Wakhtigaa laga bilaabo waxa aan bilaabay in shaqo galo oo aan khibrado badan korodhsado.
Sheeko dheer aan soo gaabiye...
muddo hada labo sano laga joogo waxaan bilaabay inaan arday badan si gaar gaar ah casharo ugu dhigo. Markaan arkay baahida loo qabo casharada aan tabinayay, waxaan go'aansaday in aan casharada dad badan gaadhsiiyo si aan aqoontayda iyo khibradayda ugu faa'ideeyo bulshawaynta soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada Qurbaha.
Anigoo bari doona casharada kala ah
1-Luuqada Nederland-ka heerka koowaad (A1)
2-Luuqada Nederland-ka heerka labaad (A2)
2-Luuqada ingiriisiga
3-barashada sharciyada wadooyinka ee wadida baabuurta yar yar ( Auto theorie rijbewijs B).
4-Barashada diinta Islaama
Casharadan oo dhan waxa ay ku bixi doonaan si maqal iyo muuqaal ah (Adiovisueel), waa fursad qaali ah waayo adigoo aqalkaaga jooga ayaad ka faa'iidaysan kartaa khibradna ka korodhsan kartaa.
Haddii aad diyaar u tahay inaad ka mid noqoto ardaydayda ama aad hayso su'aal ku saabsan adeegan aan soo bandhigay, fadlan ila soo xidhiidh si aan xog sugan kula wadaago.
Wabillahi Tawfiiq
